|
Dakar,(insidesomalia.org)- Dowladda Senegal ayaa waxaa ay wadamada Qaarada Africa ugu baaqday in Dalka Soomaaliya loo soo diro Ciidamo ka qeyb qaata howlaha nabad ilaalinta ee Dalka Soomaaliya.
Safiirka Dowlada Senegal u fadhiya Dalka Itoobiya, isla markana ah wakiilka joogtada ah ee Ururka Midowga Africa ee wadanka Senegal Amadou Kebe ayaa waxaa uu ugu baaqay wadamada Africa in ay fuliyaan balanqaadkoodii hore ee ahaa in ay Ciidamo Nabad ilaalin ah keenayaan Dalka Soomaaliya.
Safiirka waxaa uu sheegay in Dalka Soomaaliya loo baahan yahay in la keeno Ciidamo Dheeraad ah in la keeno dalka Soomaaliya si loo xaliyo dhibaatooyinka ka taagan Dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in wadamada Africaanka ah ee horay u balan qaaday in Ciidamo ay ku yaboohayaan Dalka Soomaaliya ay tixgaliyan balanqaadkoodii hore, isla markaan ay tix galiyaan nabad ka dhalaata Dalka Soomaaliya, si ummada Soomaaliyeed ay nabad ugu naalato.
Sariifka ayaa waxaa uu ugu baaqay wadamada Africa in ay ka dhabeyaan balanqaadkoodi hore, isla markaana ay ku deydaan wadamada Rawanda iyo Burundi oo Ciidamo ay ka joogaan Dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqa Beesha Caalamka in ay Masuuliyad iska saaraan xaalada uu haatan Dalka Soomaaliya ku sugan yahay ayna ku dedaalaan sidii Dalka Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Ambassador Amadou Kebe waxaa uu sheegay in Dalka Senegal ay isku diyaarinayaan in ay tababaraan Booliis Soomaaliyeed oo sanad ka hor Dowlada Senegal ugu baaqaday in ay talaabadaasi qaadi doonto.
|